Qeybaha PAR

Youth Participatory Action Research /
Cilmi-baarista Waxqabadka Ka-Qaybgalka Dhallinyarada (YPAR)


Waa maxay?

Cilmi-baarista Waxqabadka Ka-Qaybgalka Dhallinyarada (YPAR). YPAR waa qaab loo wajaho horumarinta bulshada oo ay dhalinyaradu hogaamiso ayagoo la shaqeynaya dadka waaweyn si loo abuuro isbadal ama xal loogu helo dhibaatada ay qeexaaan.

Teacher Action Research /
Macalinka Cilmi Baaris Ficil loo badalayo (TAR)


Waa maxay?

Macalinka Cilmi Baaris Ficil loo badalayo (TAR) waa hab barayaasha ay ku fahmaan, ku qiimeeyaan, kuna horumariyaan hab dhaqankooda..

Xogaha

Community-Based Participatory Action Research / Macalinka Cilmi Baaris Ficil loo badalayo (CBPAR)

Waa maxay?

PAR ku Saleysan Bulsho (CBPAR) waa qaab ay mashruucu wada hogaaminayaan dhammaan wejiyada xubnaha bulshada iyo cilmi baarayaasha, iyadoo ujeedadu tahay in natiijooyinka loo isticmaali doono in lagu beddelo dhaqamada iyo nidaamyada aan sinnayn.


Tusaaloyinka CBPAR

Health for Somali, Latino & Hmong - SoLaHmo Partnership

Geedka SoLaHmo (sawir: changemakers.org)
"Waxaan sii dhiseynaa awoodaha dhaqameed ee gaarka ah ee Soomaalida, Latino, Hmong, iyo bulshooyinka kale si kor loogu qaado caafimaadka iyo fayoobaanta iyadoo loo marayo cilmi baaris ku saleysan kaqeybqaadashada bulshada (CBPAR), waxbarashada, iyo shuruucda. "

Iskaashiga SoLaHmo waa koox CBPAR oo fadhigeedu yahay Galbeedka magaalada St. Paul, MN oo xubin ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, Latinx, iyo Hmong ay si wada jir ah ula shaqeeyaan cilmibaareyaasha iyo bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka si kor loogu qaado caafimaadka iyo fayoobaanta. Wadashaqeyntu waxay ujeedadeedu tahay in la ogaado baahiyaha daryeelka caafimaadka ee xubnaha bulshada iyo in lala shaqeeyo iyaga si loo helo xalal, sameynta qaab nololeed caafimaad leh oo la heli karo oo dhiirigelinaya xulashoo caafimaad leh.

SoLaHmo waxay ku shaqeysaa xaqiiqda ah in xubnaha Soomaalida, Latinx, Hmong, iyo bulshooyinka kale ay leeyihiin aqoon, xirfado, iyo awood ay kula shaqeeyaan lammaanayaal siman oo cilmi-baarayaasha iyo xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka.

Golaha Caafimaadka Soomaalida / Somali Health Board

Sawir: Somali Health Board

Golaha Caafimaadka Soomaaliyeed (SHB) waa urur caam ah, oo aan faa’iido doon ahayn 501 (c) 3 aasaas hoose, oo ay aasaaseen 2012 aqoonyahanno caafimaad iyo mutadawiciin Soomaaliyeed oo ka walaacsan kala duwanaanshaha caafimaad ee si aan kala sooc lahayn u saameynaya soogalootiga cusub iyo qaxootiga ku nool King County, oo leh himilooyin hami lehoo loola jeedo ciribtirka iyo yareynta kala duwanaanshaha caafimaadka.

Guddiga Caafimaadka Soomaaliyeed wuxuu iskaashi la yeeshay ururo badan oo ay ka mid yihiin Kaiser Permanente, Xarunta Cilmi-baarista Kansarka ee Fred Hutchinson, iyo Jaamacadda Washington si ay u wargeliyaan, ula qabsadaan, una wada hoggaamiyaan cilmi-baarista ku saleysan bulshada.

 


Xogaha

University-Community PAR Collaborations / Wada Shaqeynta bulshada iyou jaamacada ee PAR (UCPAR)


Waa maxay?

Wada Shaqeynta bulshada iyou jaamacada ee PAR  (UCPAR). 

Mashaariicda PAR-ka ee ay jaamacaddu bilowdey waxay u muuqdaan kuwo ay bilaabayaan aqoonyahanno jaamacad ku saleysan oo gaarsiinaya xubnaha bulshada si ay u sameeyaan cilmi baaris iskaashi ah oo ku saabsan arrimaha bulshada ee la jaanqaadaya cilmi baaraha cilmi baaristiisa iyo qeybta cilmi baaristiisu quseeyso.


Tusaaloyinka UCPAR

Wadashaqeynta Carleton-Faribault

Wadashaqeynta Carleton-Faribault Wadashaqeyntan ayaa ah iskaashi u dhexeeya Carleton College ee Northfield, MN iyo bulshada ku dhow Faribault, MN, oo ay maalgelinayso Hay’adda Qaranka iyo Adeegga Bulshada (CNCS). Tobankii sano ee la soo dhaafay, Faribault waxaa si xawli ah ugu kordhayay Latinx iyo dadka Soomaalida ah ee degan, laakiin awoodda waxbarista ee Faribault ayaan is beddelin si ay u muujiso tirada dadka, taasoo horseedeysa caqabado la xiriira heerarka ka-tagidda dugsiga sare iyo raadinta tacliinta sare ee ardayda Latinx iyo ardayda Soomaaliyeed.

Wadashaqeyntu waxay u oggolaaneysaa Latinx iyo waalidiinta Soomaaliyeed, dhalinyarada waaweyn, iyo ardayda iyo sidoo kale macallimiinta caddaanka ah iyo maamulayaasha inay soo uruuriyaan macluumaadka ku saabsan bulshadooda, khibradaha Faribault, iyadoo lala kaashanayo shaqaalaha iyo macallimiinta Carleton inay wax ka bartaan hababka cilmi baarista iyo anshaxa. Mashruucani wuxuu adeegsaday waxyaabo ka kooban YPAR, TAR, iyo CBPAR.

Xogaha

css.php