Ku saabsan bogga

Boggan waxaa loo sameeyay qayb ka mid ah wada-shaqeynta cilmi-baarista ka-qaybgalka bulshada-jaamacadda (PAR) ee u dhexeysa Carleton College iyo xubnaha bulshada iyo hay’adaha ku yaal Faribault, MN. Mashruuca waxaa lagu maalgeliyey deeq ka timid Hay’adda Adeegyada Qaranka iyo Bulshada (CNCS). Mashruucu wuxuu ku lug lahaa ardayda dugsiga sare iyo kuleejka, waalidiinta, macalimiinta dugsiga sare iyo kuleejka, maamulayaasha, shaqaalaha kaqeybgalka bulshada madaniga, iyo kuwa kale oo badan. Waxay ku lug lahayd ka shaqeynta dhammaan saddex luqadood: Ingiriis, Isbaanish, iyo Soomaali. In kastoo  aan helnay ilo badan oo cajiib ah, gaar ahaan Ingiriisiga iyo Isbaanishka, waxaan dooneynay inaan abuurno goob hal meel ku martigelin doonta macluumaadka loogu talagalay dad kala duwan, oo ay ku jiraan dhalinyarada, macallimiinta, waalidiinta, wada-shaqeystayaasha jaamacadda, iyo ururrada bulshada. Waxaan sidoo kale dooneynay inaan ka abuurno macluumaaad ko qoran af Soomaali ee arrimaha ku saabsan PAR maxaa yeelay waxaa nagu adkaatay inaan helno macluumaadkaas. Websaydhkani waxaa ku lug lahaa shaqo, xirfad, iyo male-awaalka dad aad u badan – fadlan kafiiri boggayaga qirashada liiska dadkaas qaarkood.

Boggu wuxuu bixiyaa taariikh aasaasi ah iyo macluumaad ku saabsan PAR guud ahaan, wuxuu bixiyaa dood ballaadhan oo ku saabsan mashruuca Carleton-Faribault PAR, macluumaad ku saabsan ururada iyo mashaariicda kala duwan, iyo sidoo kale macluumaad ku saabsan heerarka mashruuca PAR. Waxaa jira macluumaad badan oo intaa ka badan, dabcan, markaa haddii ay jiraan ilo gaar ah oo aan ku darno, fadlan nala soo socodsii!

Fiiro gaar ah oo ku saabsan bogagga Isbaanishka iyo Soomaaliga: nuxurkii asalka ahaa ee aan si gaar ah ugu soo saarnay degellada oo ku qoran af Ingiriis ayaa loo tarjumay Isbaanish iyo Soomaali. Waxaan sidoo kale isku daynay intii karaankeenna ah sidii aan u aqoonsan lahayn qalabka asalka ah ee laga helay ilo kale oo Isbaanish iyo Soomaali ah sidaa darteed waxyaabaha ku qoran bogagga luqadaha kala duwan isku mid ma ahan. Waxaan jeclaan lahayn inaan ku darno ilo dheeri ah oo luqad gaar ah ku leh bogagga Isbaanishka iyo Soomaaliga, haddaba haddii aad ogtahay ilaha noocaas ah, fadlan nala soo socodsii! Intaa waxaa sii dheer, waxaan soo dhaweeyeynaa iskaashiga lala yeelanayo ururada iyo shakhsiyaadka ku lug leh mashaariicda PAR si loo abuuro bogag ku qoran luqado kala duwan.

Waxaan jeclaan laheyn inaan kaa maqalno – waxaad noo soo diri kartaa su’aalo ama faallooyin ah qaabka Google halkan! Waqtigan xaadirka ah waxaan kaliya awood u leenahay inaan kaga jawaabno su’aalaha Ingiriisiga ah – si kastaba ha noqotee, haddii aad su’aalo ku soo gudbiso luqado kale, waxaan isku dayi doonaa sida ugu fiican ee aan uga jawaabi karno!

Anita Chikkatur & Emily Oliver, co-PIs, deeqda CNCS (2019-2021)

Diisambar 2020

css.php